Visitor counter



Future City of Somalia

Future City of Somalia

09‏/09‏/2008

Shamaali Axmed Shamaali

Al-Fanaan Shamaali Axmed Shamaali oo isagana fanka dhawaan ka fariistay ayaa tacsi u diray Marxuum Cabdalla Nuuradiin Axmed,wuxuuna sheegay inuu soo bixitaankiisii fanka
gacan weyn ku lahaa



“Ustaad Cabdallah waxaan leeyahay allaha u naxariisto,heesaha uu sameeyay ee aan soo qaaday waxaa ka mida,Fadumooy Jaceylkaan,Amran waxay ku nooshahay agagaarka ceelgaab iyo lix hees oo kale”ayuu yiri Shamaali oo ka gaabsanayay ka sheekeynta fanka ama xasuustiisii faneed

Cumar Shooli


Fanaanka weyn ee Cumar Shooli ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka tegay Abwaan Cabdalla Nuuradiin Axmed,wuxuuna Cumar Shooli xusay in Ustaad Cabdalla uu ka dhignaa qabiir ku xeeldheer,dhinacyada Diinta,Hal abuurka Suugaanta iyo Saxaafadda

Raxmo Ruuxi


Fanaanada weyn ee codkeeda aadka loo jecel yahay Raxmo Ruuxi,dadkana ay kala garan waayeen codkeeda iyo kii boqoradii Codka Xaliimo Khaliif Magool ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Marxuum Cabdalla Nuuradiin waxayna Nuuradiin ku sifeeysay hal abuure,xasuus ku leh bahda Fanka iyo Saxaafadda Soomaaliyeed

Warbaahinta Ingiriiska oo qorsheyneysa inay baahiso barnaamij


Warar hoosaadyo laga helayo qaar ka mida Warbaahinta madaxa banaan ee dalka Ingiriiska ayaa sheegayo inay qorsheeynayaan baahinta barnaamij xasaasiya oo lagu iftiiminaya hogaamiyeyaal ka tirsan labada garab ee Somaliya ku dagaalamaya kuwaas oo heysta dhalashada Britishka sidoo kalana qaato lacagaha Ceyrta sida ,Qoysaska aan shaqada heysan,Cuuryaannimada,waayeelnimada iyo Caruurta.

Barnaamijkaan oo loogu magacdaray “Somali Warlords are next door to you”ayey wararku sheegayaan inuu baahin doono mid ka mida telefishinada ugu afka dheer dalka UK,isagoo warbixintiisa kaga faa-iideysanayo muuqaalo uu hore u helay iyo kuwa cusub oo ka turjumayo shaqsiyaadka ka mida dagaal oogayaasha Soomaaliya ee heysta dhalashada Britishka,sidoo kalana weliba aanan xilalkooda siyaasadeed ka diiwaangelinta laanta Ceyr bixinta ee UK.
“Somali Warlords are next door to you” oo macnaheedu tahay”Dagaal oogayaasha waxay ku nool yihiin albaabka idinku dhegan” waxay ka dhigan tahay fariin siyaasadeed shacabka UK lagu dareen gelinayo,maadama micnahu tahay ,Dagaal Oogayaasha garabyada Soomaaliya waxay ku nool yihiin Ceeyrta Ingiriiska,waxayna heystaan dhalasho Britishka,sidaas daraadeed waxay wax ka degan yihiin Dalka UK.
Inkastoo hadii Barnaamijkaan si rasmiya loo faafiyo uu noqon karo mid xiisad abuuro oo ay ku baraarugaan shacabka Ingiriiska hadana wuxuu muhiimad gaara yeelan karaa hadii ay helaan films muujinayo madaxda ka tirsan dowlada federalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta inay weli qaataan Ceeyr.
Si kastaba ha ahaatee,Dhalashada Ingiriiska waxaa heysta madax sare oo ka tirsan dowlada Federalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta,waxaana ka mida Ra’isulwasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Col Nuur Xasan Xuseen (Nuurcadde),Taliyaha Ciidamadda Nabadsugida Federalka Jeneral Maxamed Warsame Darwiish,Wasiirka Arrimaha gudaha ee Federalka Mudane Muusse Nuur Amiin,Wasiirka Hoowlaha guud iyo guryeynta Mudane Nuur Iidoow Beeyle,Wasiirka beeraha Mustafe Dhuxuloow,Taliye ku xigeenka boliiska Soomaaliyeed Jeneral Axmed Taajir,Afhayeenka Madaxweynaha Dowlada Federalka Xuseen Xuubsireed,Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Maxamed Maxamud Gacmodheere,Gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee Isbaheysiga dib u xoreynta ahna madaxa ergada wada hadalada Jabuuti Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur,Sakariye Maxamud Xaaji Gudoomiye ku xigeenka Isbaheysiga dib u xoreynta, Mohamed Axmed Nuur “Tarzan” Xoghayaha Xafiiska Qorsheynta iyo Tababarada Isbaheysiga dib u xoreynta,Maxamed Cabdi Yusuf xubin sare oo ka mida golaha dhexe ee Isbaheysiga dib u xoreynta iyo weliba hogaamiyeyaal kale oo badan kana tirsan labada garab

Muuqaalkaani waa gurigga Jeneral Darwiish ee ay ku nool yihiin qoyskiisa qaata lacagaha danyarta Dalka Ingiriiska gaar ahaan Leicester


Telefishinka Chanel4 waxaa uu sidoo kale soo bandhigayaa muuqaalka taliye ku xigeenka boliiska Soomaaliyeed Jeneral Axmed Xaashi Taajir oo isagana ku nool dalka Ingiriiska,wuxuuna muuqaalkiisa u adeegsan doonaa qaabkii uu ku degay UK iyo hoowlahii uu ka fuliyay Soomaaliya

Taliyaha Nabadsugida


Taliyaha Nabadsugida ee dowlada Federalka Jeneral Maxamed Warsame Darwiish ayuu telefishinka baahin doonaa muuqaalkiisa,muuqaalka guriga uu ka degan yahay Ingiriiska iyo weliba cadeeymo la xiriira in weli qoyskiisa qaataan lacagaha Ceeyrta loo yaqaan ee la siiyo dadka danyarta

Chanel4 Tv oo soo bandhigaya fadeexadaha Jen Darwiish,Jen Axmed Taajir iyo Gacmodheere,daawo sawiro hordhaca

Telefishinka Chanel4 ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa 24-ka saac ee soo socda 8 Fiidnimo saacada UK wuxuu bilaabayaa baahinta Ducoments film ah oo laga sameeyay Masuuliyiin ka tirsan dowlada Federalka oo heysta dhalashada British-ka ,kuna kacay tacadiyo ka baxsan xaquuqul insaanka.
Telefishinka wuxuu soo bandhigayaa guryaha ay ku nool yihiin sedexda hogaamiyeyaal oo ka mida ragga ku eedeysan ku lug lahaansho fal dimbiyeedyo dagaal.

somali nomad girls

somali nomad girls

مرشح لرئاسة الجمهورية / الدكتور ياسين عبدي علي

مرشح لرئاسة الجمهورية / الدكتور ياسين عبدي علي
أيها الصوماليون: أنا مواطن كأي مواطن صومالي تنطبق عليه الشروط الدستورية الحقة والمشروعة للترشح لرئاسة الجمهورية، وأمثالي بالآلاف وهم مؤهلون وجديرون بها. ولأني أحب وأحترم عائلتي وحارتي ومدينتي ووطني الصومال بعربه وعجمه ومختلف طوائفه، ولأنني أقدس الإيمان بالله، وأقدس كامل حريات الشعب وحقوقه الديمقراطية كحق شرعي وكواجب وطني في مواجهة تجديدٍ فاسدٍ وباطلٍ ودكتاتوري، داعماً موقفكم الجريء بالإلتفاف حول قوى إعلان مقديشو كرافعة للتغيير الوطني الديمقراطي:- شكرا لكم / مرشح لرئاسة الجمهورية: الدكتور ياسين عبدي علي

Please Hear What I'm Not Saying

Please Hear What I'm Not Saying
Don't be fooled by me. Don't be fooled by the face I wear because I wear a mask, a thousand masks, masks that I'm afraid to take off, and none of them is me.